Yuusuf Garaad oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda DF-ka oo saaka xilka qaadista lagu sameeyay ayaa sheegay in aan lagala tashan xilka qaadista isagoo wax lalayaabo ku tilmaamay hab dhaqanka R/wasaaraha.
Yuusuf Garaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in qof dibadda kasoo wacay uu u sheegay in isaga xilka laga qaaday wuxuuna muujiyay iska warqab la’aan ka dhaxeysa Kheyre iyo golaha wasiirrada.
"Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta isaga soo hor dhigo 9-ka subaxnimo si aan Golaha Wasiirrada u geyno galabta. Hase yeeshee qof ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday” ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in xilka qaadistiisa lagu degdegay isagoo banaanka soo dhigay in looga baxay ballan qaad uu horay usiiyay Farmaajo oo ahaa in aan la casileyn "Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon” Yuusuf Garaad.
Ugu dambeyn wuxuu muujiyay in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan kaas oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo mid kamida qabaa’illada dega magaalada muqdisho islamarkaana uu dhowr mar diiday in uu ku lug lahaado arrimaha hadda socda.
"Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yuusuf Garaad.
Xilka qaadista lagu sameeyay sedaxda wasiir iyo dhawaqa kasoo yeeray Yuusuf Garaad ayaa banaanka soo dhigaya in xukuumadda Kheyre ay la dhutinayso xiisadda ka dhalatay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu qaaday guriga siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur halkaas oo lagu dilay 6 qof.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho