Ciidamada dowladda Eritrea oo bilaabay in ay isaga baxaan gobolka Tigray.

Sunday April 04, 2021 - 13:46:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda Eritrea oo bilaabay in ay isaga baxaan gobolka Tigray.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in kumanaan katirsan ciidamada Eritrea ay bilaabeen dib ugurasho dhammeystiran oo ay ka sameynayaan gobolka Tigray ee waqooyiga dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in kumanaan katirsan ciidamada Eritrea ay bilaabeen dib ugurasho dhammeystiran oo ay ka sameynayaan gobolka Tigray ee waqooyiga dhaca.

Abiy Axmed ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha ka sheegay in ciidamada Eritrea ay wadaan howlgal bixitaan ah isagoo caddeeyay in magaalooyinkii ay ka baxeen ciidamada ajnabiga ah lageeyay ciidamo Itoobiyaan ah.

Tallaabadan ay ciidamada Eritrea uga baxeen gobolka Tigray ayaa timid kadib markii ay dowladaha Todobada ah ee loo yaqaan G7 ay amar kusiiyeen xukuumadda Asmara in ay ciidamadeeda labaxdo.

Goob joogayaal ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa wakaaladaha wararka usheegay in wali ay arkayaan ciidamada Eritrea oo xasuuq ugeysanaya dadka shacabka ah.

 


Isbuucii lasoo dhaafay ayuu R/wasaaraha xukuumadda Addis Ababa qiray in ciidamo ajnabi ah ay ka qeyb qaateen duullaankii lagu qaaday Jabhadda TPLF wuxuuna xaqiijiyay in ciidamadaasi ay geysteen gabood fallo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items