Madal ay ku midaysanyihiin kooxaha mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa eedaymo culus usoo jeediyay dowladda Farmaajo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Gole siyaasadeedka la magac baxay 'Badbaado Qaran' ayaa ku eedaysay Farmaajo in uu dayacay ciidamadii shalay lagu laayay deegaannada Awdheegle iyo Bariire ee Sh/hoose.
Madasha ayaa sheegtay in ciidamadii dowladda ee shalay lagu weeraray Sh/hoose ay lakulmeen khasaare lixaad leh oo uga yimid dhanka Al Shabaab.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayay ku eedeeyeen in hubkii loogu talagalay in lagula dagaallamo Al Shabaab uu udaad gureeyay gobolka Gedo si uu u adkeeyo maamulka isaga taabacsan ee gobolkaasi ka jira.
Ugu dambeyn 'Badbaado Qaran' oo ay ku midaysanyihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta ayaa hoggaamiyaha DF-ka ku eedaysay in uu siyaasadeeyay wax ay ugu yeeraan ciidanka Qaranka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
'Badbaado Qaran' oo Farmaajo ku eedaysay in uu dayacay ciidankii lagu laayay Sh/hoose.
Madal ay ku midaysanyihiin kooxaha mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa eedaymo culus usoo jeediyay dowladda Farmaajo.