Amiir Xamza oo lagu eedeeyay in uu maleegayay Shirqool ka dhan ah dowladda Urdun.

Monday April 05, 2021 - 16:08:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiir Xamza oo lagu eedeeyay in uu maleegayay Shirqool ka dhan ah dowladda Urdun.

    Dowladda Urdun ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal meleteri oo habeen hore ka dhacay magaalada Cammaan kaasi oo lagu raafay mas'uuliyiin sarsare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Urdun ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal meleteri oo habeen hore ka dhacay magaalada Cammaan kaasi oo lagu raafay mas'uuliyiin sarsare.

Ayman Alsafdi oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo R/wasaare ku xigeenka Urdun ayaa shir jaraa'id ku sheegay in gacanta lagu dhigay 16 mas'uul oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin katirsan qoyska talada haya.

Xukuumadda Urdun ayaa ku eedaysay dowlado shisheeye in ay maleegeen shirqool halis gelinaya amniga wadanka iyagoo adeegsanaya saraakiil horay xilal usoo qabtay.

Mas'uuliyiinta lagu eedeeyay in ay shirqoolka maleegayeen waxaa kamid ah Amiir Xamza Bin Xuseen oo ay walaala yihiin Boqor Cabdalle iyo Xasan Bin Zeyd oo horay usoo noqday wasiirka maaliyadda iyo madaxa boqortooyada Urdun.

 


Dowladda dabadhilifka Urdun ayaa howlgalka ay qaadday waxay ku xirxirtay mas'uuliyiin la tuhunsanyahay in ay inqilaab maleegayeen, dowladaha reergalbeedka iyo kuwa carabta ayaa si aad ah usoo dhaweeyay howlgalkan raafka ah marka laga reebo Imaaraatka carabta oo la tuhunsanyahay in ay taageeraysay Xamza Bin Xuseen.

Related Items