Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah xilli ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xuduud beenaadka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Melleteriga Kenya lagu qarxiyay gobolka Lamu ee dhaca xeebaha wadankaasi.
Darawalkii gaariga ayaa la sheegay in uu dhintay askar kalane ay dhaawacyo soo gaareen, qaraxa ayaa gaariga haleelay xilli uu ku socdaalayay xuduudda gaar ahaan dhanka Lamu.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Andalus balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Qarax gaari looga gubay ciidanka Kenya oo Lamu ka dhacay.
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah xilli ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xuduud beenaadka.