Mas'uuliyiin uu horkacayay waaliga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa gaaray deegaanno hoos taga degmada Matabaan halkaas oo uu saameeyay jiilaalka halakeeyay bartamaha Soomaaliya.
Gurmad isugu jiray raashin qeybin iyo biya dhaamin ayaa loo fidiyay boqolaal qoys oo degan deegaannada Coomaad,Madhooy iyo Quulaale.
Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga Hiiraan oo ku sugnaa goobihii gargaarka laga qeybinayay ayaa sheegay in dadku ay ku saamoobeen abaaraha jira sidaas daraadeed ay go'aansadeen in ay samata bixiyaan dadkooda.
Gaadiid booyada ah iyo kuwa xamuul ah oo wilaayada Islaamiga Hiiraan ay dirtay ayaa lagu arkayay deegaanno badan oo hoos taga degmada Matabaan ee dhacda bartamaha Soomaaliya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Wilaayada Islaamiga Hiiraan oo gurmad raashin qeybin iyo biya dhaamin ah ka sameysay duleedka Matabaan.
Mas'uuliyiin uu horkacayay waaliga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa gaaray deegaanno hoos taga degmada Matabaan halkaas oo uu saameeyay jiilaalka halakeeyay bartamaha Soomaaliya.