Saraakiil American ah oo galay Masjid kuyaal Jabuuti walaacna ka muujiyay Kalimaddii Abuu Cubeydda [Sawirro].

Monday April 05, 2021 - 16:12:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil American ah oo galay Masjid kuyaal Jabuuti walaacna ka muujiyay Kalimaddii Abuu Cubeydda [Sawirro].

    Kalimad uu dhowaan jeediyay amiirka dhaq dhaqaaqa jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa qoob gariir iyo cabsi ku beertay madaxda dowladda Jabuuti iyo saraakiisha ciidamada shisheeye ee wadankaas ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalimad uu dhowaan jeediyay amiirka dhaq dhaqaaqa jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa qoob gariir iyo cabsi ku beertay madaxda dowladda Jabuuti iyo saraakiisha ciidamada shisheeye ee wadankaas ku sugan.

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayaa muujiyay sida uu uga walaacsanyahay hadalka boorinta ah ee Sheekh Abuu Cubeyda kaasi oo shacabka Jabuuti ugu baaqay in ay beegsadaan saldhigyada ciidamada Faransiiska iyo Mareykanka.

Jeneraallo American ah ayaa shalay booqday masjidka Al Raxma ee Jabuuti halkaas oo ay kulan kula qaateen wadaada xumayaal shisheeyaha ucaynsan.
 



Sawirro uu taliska AFRICOM ku baahiyay bartiisa Twitterka ayaa muujinayay saraakiil caddaan ah oo gudaha ugalay masjidka Al Raxma islamarkaana lataagan wadaada xumayaal ay ku sheegeen culimaa'udiin.

Mid kamida wadaada xumayaasha ayaa lagasoo xiganayaa isagoo Jihaadiyiinta Soomaaliya ku sheegaya in aysan shuqul ku laheyn islaamka!, wuxuuna ninkan ammaan kala duldhacayaa Mareykanka iyo xulufadiisa.

Saraakiisha American-ka ah ayaa ku xadgudbay xurumaanta muslimiinta oo ay masaajiddu kamid yihiin, dowladda Jabuuti iyo wadaada xumayaasheeda ayaa gaalada ku marti qaadaya masaajidda ay muslimiintu leeyihiin arrinkaas oo banaanka soo dhigaya diin xumadooda.

Maj. Gen. Lapthe Flora oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika ayaa la arkayaa isagoo ku sugan masjidka Al Raxma islamarkaana lasawiran qaar kamid ah Culimaa'usuuga dowladda Jabuuti.

Sida lagu sheegay warbixinta AFRICOM saraakiisha saldhigga Lemonnier ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlayay in aan la ajiibinbaaqii Abuu Cubeydaee ahaa in labeegsado xarumaha Mareykanka ee Jabuuti.

Sanaddii 2015 ayuu John Kerry wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka sidaan oo kale ugalay masjid kuyaal wadanka Jabuuti isagoo kulamo kula qaatay mas'uuliyiin iyo wadaada xumayaal Jabuutiyaan ah.





Related Items