Alkataa'ib oo baahisay Sawirrada weerarkii lagu xasuuqay maleeshiyaatka dowladda ee deegaanka Bariire (DAAWO).

Monday April 05, 2021 - 19:01:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alkataa'ib oo baahisay Sawirrada weerarkii lagu xasuuqay maleeshiyaatka dowladda ee deegaanka Bariire (DAAWO).

    Mu'asasada Alkataa'ib ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya xasuuqii maleeshiyaatka Soomaalida ku qabsaday saldhigga Bariire, kaas oo lagu dilay in ka badan 47 kamid ah askarta dowlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Alkataa'ib ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya xasuuqii maleeshiyaatka Soomaalida ku qabsaday saldhigga Bariire, kaas oo lagu dilay in ka badan 47 kamid ah askarta dowlada
Sawiradan ayaa waxaa barbar socday bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab kaas oo lagu sheegay in: "Taariikdu markay ahayd 21 Shacbaan 1442 Hijri, kuna beegnayd 03 April 2021, waxay Mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhigyada ay maleeshiyaadka murtadiintu ku leeyihiin deegaanada Bariire, Awdheegle, Jannaale, Sabiid iyo Canoole. Waxay Mujaahidiintu, Allaah fadligiisa, halkaas ku dileen in ka badan 47 murtad, waxayna gacanta ku dhigeen agab militeri oo uu ka mid yahay hub, rasaas iyo gaadiidka dagaalka. Howlgalkan barakeysan wuxuu u dhacay sidii Allaah Subxaanahu Wataacaalaa uu u qorsheeyey, waxayna Mujaahidiintu guul kasoo hooyeen hadafkii ay u soo baxeen in ay fuliyaan".


 

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu yiri: "Waxaana halkan ka bogaadineyna halyeeyadii Mujaahidiinta ee ka qayb qaatay hawlgalkaas barakaysan, junuud iyo saraakiil intaba, waxaanna leenahay Allaah ha idin ka aqbalo camalkiina, hana idin ka abaal mariyo Jihaadka aad kula jirtaan gaalada dalka ku soo duushay iyo murtadiinta daba dhilifka u ah. Waxaad gaashaan u tihiin Wilaayaatka Islaamka ee Shareecada Allaah lagu maamulo iyo Muslimiinta ku dhex nool, waxaad tihiin ileyska ay ummaddu ifsaneyso, waxaad dugaal uga tihiin mu’aamaraadka cadaawuhu la maagan yahay, waxaad ku hor gudban tihiin qorshayaasha saliibiyiintu ku doonayaan iney tirtiraan nuurka Allaah, waxaana idinku faanaysa ummada muslimkoo idil."

bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: "Sidaa awgeed, waxaan idinkula dardaarmeynaa inaad halkiina ka sii waddaan jihaadka aad cadowga Allaah kula jirtaan, waxaadna sii laba jibaartaan beegsiga aad beegsaneysaan murtadiinta gumeystaha saliibiga ah dalkan Muslimka ku soo hogaamiyay illaa aad ka ciribtireysaan. Howlagalladuna waa kuwa joogto noqon doona ee Allaah u kaashada, ikhlaaska ku dadaala, sabarkana sahay ka dhigta. Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu idin guuleeyo, shuhadadeena ka aqbalo shahaadadooda, dhaawaceena inoo bogsiiyo."

Xarakada Al-Shabaab ayaa fariimo dhowr ah u dirtay dowladaha kusoo duulay Soomaaliya iyo DFS. "Gaalada iyo Murtadiintana waxaan leenahay Soomaaliya kama suuleysoo in ay ahaato dal Muslim ah oo lagu maamulo Kitaabka Allaah, mana dhici doonto in aad dalkan Muslimka ah ka hirgelisaan dimoqraadiyad ama lagu xukumo dastuur gaaleed"

"Waxaad ciidan iyo ilaalo u tihiin gumeysiga gaalada ee dalka ku soo duulay; waxaad u taagan tihiin fulinta ajeendooyinka gurracan ee saliibiyiinta; waxaad qeyb ka tihiin boobka lagu hayo ummadda khayraadkeeda; waxaad dhac, dil iyo kufsi joogta ah ku haysaan shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed; waxaa meel kasta buuxdhaafiyay qayladhaanta ka soo yeereysa Muslimiinta ay ku dalbanayaan in dulmigiina laga dul qaado." ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeed Xarakada Al-Shabaab lagu yiri "Waxay Mujaahidiintu heegan u yihiin in ay ka jawaabaan baaqaas, hawlgalladii barakeysnaa ee Boosaaso, Bariire, Baar Sanguuni, Awdheegle, Jannaale, Sabiid, Caanoole, Muqdisho iyo Dhuusamareeb intaba waxay qeyb ka yihiin camaliyaatka ummadda Muslimka ah looga dul qaadayo dulmigiina. Waxay Mujaahidiintu wacad ku marayaan in ay idinku fuliyaan amarka Allaah iyo amarka Rasuulkiisa ﷺ ee ah:
[صحيح البخاري] «مَنْ بَدَّلَ دِينَهُ فَاقْتُلُوهُ»
"Dila qofkii diintiisa beddela”

Ugu dambeyntii bayaanka waxaa lagu yiri: "Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu idiin soo bandhigayaa sawirro muujinaya khasaarihii cadowga ku gaarey dagaalkii Mujaahidiintu ku qaadeen Bariire"

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

























































Xigasho: Alkata'ib Media

Related Items