Madaxweynaha Masar oo ku hanjabay in uu si adag u wajahi doono arrinta biya xireenka Niil.

Thursday April 08, 2021 - 16:54:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar oo ku hanjabay in uu si adag u wajahi doono arrinta biya xireenka Niil.

    Saacado kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii ka socday magaalada Kinshasa ee ku saabsanaa arrimaha qeybsiga webiga Niil ayay digniino soo saareen Masar iyo Suudaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacado kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii ka socday magaalada Kinshasa ee ku saabsanaa arrimaha qeybsiga webiga Niil ayay digniino soo saareen Masar iyo Suudaan.

Cabdi Fataax Alsiisi oo ah madaxweynaha Masar ayaa warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin tallaab walba oo ay ku difaacanayaan biyaha webiga Niil.

"khiyaaraad walba ayaa suurtagal naga ah si aan udifaacanno qeybta aan ku leenahay biyaha webiga Niil, Itoobiya waxaan u sheegayaa in arrinta biyaha webiga ay khad cas yihiin" sidaas waxaa yiri Al Siisi.
 


Dhinaca kale Cabdalla Xamduuk R/wasaaraha Suudaan ayaa xaqiijiyay in uu jiro isku xir dhan walba ah oo kala dhaxeeya Masar ayna isku aragti ka yihiin arrimaha biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso Webiga Niil.


Xukuumadda Addis Ababa ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa in marnaba aysan joojin doonin biya buuxinta waaskoodka Janaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items