Weerar Khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanka Buurane.

Thursday April 08, 2021 - 16:56:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanka Buurane.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo saaka lagu qaaday saldhig kuyaal deegaan kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo saaka lagu qaaday saldhig kuyaal deegaan kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Buurane ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 askari ay ku dhinteen weerar toos ah oo uu qarax barbar socday, ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ayaa la sheegay in ay la wareegeen saldhigga ayna gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas.
 


Wararka ayaa intaas ku daraya in maanta barqadii qarax lala helay gaari uu la socday taliyaha ciidamada dowladda ee deegaanka Buurane waxaana qaraxaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.


Deegaanka Buurane oo qiyaastii 3Km ujira degmada Mahadaay waxaa saldhig ku leh ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items