Melleteriga Suudaan oo Itoobiya kala wareegay deegaanno hor leh.

Thursday April 08, 2021 - 16:59:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Suudaan oo Itoobiya kala wareegay deegaanno hor leh.

    Markii ugu horraysay dowladda Suudaan ayaa bilaawday in ay mashaariic horumarineed ka hirgeliso deegaanno ay dhowaan ka qabsatay Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Suudaan ayaa bilaawday in ay mashaariic horumarineed ka hirgeliso deegaanno ay dhowaan ka qabsatay Itoobiya.

Maamulka gobolka Al Qadaarif ayaa ku dhawaaqay in uu dhowr mashruuc ka hirgelinayo mandiqadda Alfashaqah ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo Suudaan.

25 sanadood oo ixtilaal ah kadib ayay Suudaan sheegaysaa in mashruuc ballaaran oo kalluumeysi ah ka dhistay harada Sadyi ee dhow webiga Cadbarah.

Suleymaan Cali oo ah waaliga gobolka Al Qadaarif ayaa warbaahinta u sheegay in mashruucan uu fursado shaqo unoqon doono kumanaan kun oo ku dhaqan Al fashaqah islamarkaana uu hoos udhigi doono qiimaha kalluunka lagu kala iibsado.

 


Dhinaca kale melleteriga Suudaan ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta laba deegaan oo katirsan Al Fashaqah tani ayaa ka dhigan in inta badan deegaannada xuduudda ee ay haysteen maleeshiyaadka Amxaarada uu ku dhacay gacanta Suudaaniyiinta.

Dowladda Itoobiya ayaa horay usheegtay in ay dib uqabsan doonto deegaannada Al Fashaqah oo 25-kii sanadood ee lasoo dhaafay ay xoog ku deganaayeen Maleeshiyaad Amxaaro ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items