Laba kamid ah dowladaha cabashada ka qaba biya xireenka laga dhisayo webiga Niil ayaa ganafka ku dhuftay ballanqaad uga yimid dowladda Itoobiya.
Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa ku dhawaaqay in aysan guddiyo kor ujoogta ah udiri doonin Itoobiya si ay goob joog uga noqdaan biya buuxinta waaskooyinka Al Nahda.
"Masar iyo Suudaan markaati kama noqonayaan xadgudubka ay waddo Itoobiya ee ka dhanka ah amniga iyo shucuubta mandiqadda"sidaas waxaa yiri Saamix Shukri oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Al Qaahira.
Wasiirka Waraabka iyo biyaha Itoobiya ayaa maalin ka hor sheegay in ay ogolyihiin Guddiyo ka socda Masar iyo Sudaan kuwaas oo goob joog ka noqdo biya buuxsinta waaskooyinka Kanaalka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Masar iyo Suudaan oo eedayn iyo digniin udiray dowladda Itoobiya.
Laba kamid ah dowladaha cabashada ka qaba biya xireenka laga dhisayo webiga Niil ayaa ganafka ku dhuftay ballanqaad uga yimid dowladda Itoobiya.