Aas aasihii maamulka Azaaniya oo ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Monday April 19, 2021 - 16:24:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas aasihii maamulka Azaaniya oo ku geeriyooday dalka Faransiiska.

    Magaalada Besancon ee dalka Faransiiska waxaa shalay ku dhintay mid kamida siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ee cadowga kusoo hoggaamiyay dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Besancon ee dalka Faransiiska waxaa shalay ku dhintay mid kamida siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ee cadowga kusoo hoggaamiyay dalka.

Max'med Cabdi Gaandi oo horay usoo noqday wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka ahaana aas aasihii maamulkii Fuxshiga Azaaniya ayaa la sheegay in muddo ah uu ku xanuunsanayay isbitaal kuyaal Faransiiska.

Ehellada Gaandi ayaa xaqiijiyay geeridiisa balse lama oga in uu udhintay caabuqa Carona iyo inkale, ninkan ayaa sanaddii 2011 magaalada Nairobi uga dhawaaqay maamul ku sheeg uu ugu magac daran Azaaniya!.
 



Maamulkaas magaca xun watay ayaa soo dhaafi waayay xuduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, sanaddii 2012 ayay Kenya Azaaniya ku bedeshay Jubbaland.

Max'med Cabdi Gaandi ayaa ciidamada gummeysiga Kenya kusoo hoggaamiyay Soomaaliya xilligii uu ahaa wasiirka Gaashaandhigga dowladdii Shariif Sheekh Axmed.

Ninkan halaagsamay ayaa la rumeysanyahay in uu jaasuus u ahaa dowladaha reergalbeedka ee xusulduubka ugu jira boobka kheyraadka dhax ceegaaga dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items