Tuuryare oo isku day dil ka badbaaday iyo dibad baxyo ka dhacay Hodon.

Monday April 19, 2021 - 16:26:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuuryare oo isku day dil ka badbaaday iyo dibad baxyo ka dhacay Hodon.

    Xiisado dhanka siyaasadda iyo amniga ah ayaa wali ka jira xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado dhanka siyaasadda iyo amniga ah ayaa wali ka jira xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Ciidamo daacad u ah Farmaajo ayaa xalay weeraray gaari uu la socday taliyihii hore ee Nabad sugidda dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Tuuryare.

Rasaas culus ayaa la huwiyay gaariga Tuuryare xilli uu marayay isgoyska Mirinaayada, taliyihii hore ee Nabad sugidda ayaa warbaahinta u sheegay in uu isku day dil ka badbaaday.

"waxaan xaqiijinayaa in aan ka badbaaday isku day dil, ciidamadii nabad sugidda ee aan anigu dhisay ayaa lay adeegsaday balse waxaan ballan qaadayaa in ay ka shallayn doonaan kuwii weerarkan soo abaabulay" ayuu yiri Tuuryare.

 


Dhinaca kale xaafado katirsan Muqdisho waxaa xalay ka dhacay dibad baxyo loogasoo horjeedo dowladda Farmaajo, xaafadaha Shiirkole iyo KPP oo dhammaantood kawada tirsan degmada Hodon ayay isugusoo baxeen dad caraysan oo muujinayay sida ay ugasoo horjeedaan hoggaanka DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items