Shil tareen oo ay dad badan ku dhinteen ayaa markale ka dhacay wadanka Masar ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.
Ugu yaraan 16 ruux ayaa dhimatay 100 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii uu wadada ka baxay Tareen ka amba baxay gobolka Qeyluubiyah kunasii jeeday magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira.
Shilkan ayaa sababay in uu si degdeg ah isku casilo madaxii hay'adda waddooyinka Tareennada dowladda Masar kaasi oo qiray in ay dayacaad sameeyeen.
Warbaahinta maxalliga ah waxay sheegeen in Tareenka qalibmay uu xawaare sare ku socday arrinkaas oo sababay in uu wadada biraha ka sameysan ka baxo.
Waa shilkii sedaxaad oo bil gudaheed ka dhaca wadanka Masar, nidaamka Cabdi Fataax Alsiisi ayaa lagu dhaliilay in uusan gacan ka geysan hagaajinta waddooyinka ay tareennadu isticmaalaan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Shil ay dad badan ku dhinteen oo markale ka dhacay Masar.
Shil tareen oo ay dad badan ku dhinteen ayaa markale ka dhacay wadanka Masar ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.