Ciidamada dowladda oo faarujiyay deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Al Shabaab oo la wareegay.

Saturday June 05, 2021 - 16:37:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo faarujiyay deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Al Shabaab oo la wareegay.

    Kadib dagaallo culus oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ayay ciidamada dowladda Federaalka isaga baxeen deegaanadii lagu dagaallamay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ayay ciidamada dowladda Federaalka isaga baxeen deegaanadii lagu dagaallamay.

Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda ay isaga firxadeen degaanno hoos yimaad degmooyinka Jowhar,Raaga Ceelle iyo Mahadaay.

Goob joogayaal ku sugan Sh/dhexe ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada Al Shabaab ay dib ula wareegeen deegaannada kala ah Warciise,Qoordheere iyo Wararaxleey kadib markii ay isaga carareen ciidamo uu watay Jeneraal Odawaa.
 


ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada oo boqolaal ah islamarkaana wata gaadiida dagaalka ay gaareen deegaanka Biya Cadde halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Burundi.


Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkii Warciise ayaa gaaray 23 askari oo ay kamid yihiin sedax sarkaal, ciidamada dowladda oo baqa carar laga dareemayo ayaa lagu arkayaa agagaarka saldhigga ciidamada Burundi ee Biya Cadde.

Dagaalkii khamiistii dhacay oo socday muddo 6 saacadood xiriir ah ayaa guuldarro weyn lagu gaarsiiyay ciidamada DF-ka ee lagusoo tababaray dalka Turkiga waxaana saraakiisha ku dhintay dagaalkaas kamid ahaa Taliyihii guutada 6aad ee Gorgor iyo ku xigeenkiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari tiknika ah oo maleeshiyaadka dowladda ay ugasoo tageen tuulada Warciise.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items