Weerar 100 qof lagu dilay oo ka dhacay Waqooyiga dalka Burkina Faso.

Sunday June 06, 2021 - 12:32:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 100 qof lagu dilay oo ka dhacay Waqooyiga dalka Burkina Faso.

    Weerar dhiigbadan ku daatay ayaa lagasoo calaamadeeyay wadanka Burkina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar dhiigbadan ku daatay ayaa lagasoo calaamadeeyay wadanka Burkina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya waqooyiga Burkina Faso ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay weerar ka geysteen degmada Solhan halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 100 ruux.

Saraakiil ayaa sheegay in dadka ladilay ay ku jiraan haween iyo carruur balse goobta weerarku uu ka dhacay waxaa ku xooganaa ciidamada ilaalada xukuumadaha ee sida aadka ah ula dagaallama jihaadiyiinta.

Ilo wareed amni ayaa sheegay in ciidamada melleteriga ay shalay mandiqadda Katiya kula dagaallameen kooxo hubaysan balse faah faahin dheeri ah kama bixin khasaaraha ka dhashay.

 


Dad ka badbaaday xasuuqa ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay Solhan ka qaateen gaadiid iyo xoolo nool, goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ku dhow xad beenaadka uu Burkina Faso la wadaago dalka Mali

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items